Qaar ka mid ah kulamada muhiim u ah tartanka horyaalka Premier League ayaa la bedelay waqtigii la ciyaari lahaa sababo la xiriira jadwalka baahinta ee Sky Sports iyo TNT Sports.
Isbedelka lagu sameeyay kulamada ka haray xilli ciyaareedka Premier League waxay saameyn ku yeelatay Arsenal, Liverpool iyo Manchester City.
Kulanka ay Arsenal la ciyaari doono Manchester United waxa uu markii hore ku jadwaleysnaa Sabtida 11ka bisha May laakiin haatan hal maalin ayaa dib loo dhigay madaama Sky Sports ay baahin doonto kulankaan. Ciyaartaas waxay dhici doontaa maaliyada Axada ee 12ka May taasoo la micno ah in Gunners ay heli doonto maalin dheeri ah oo ku soo kabsato ka dib kulankii Bournemouth ee Premier League.
Liverpool waxay ka dib la ciyaari doontaa Aston Villa habeenka Isniinta ee 13ka May ka hor inta aysan Manchester City la dheelin Tottenham habeenka Talaadada ee 14ka May.
Kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka waxaa la dheeli doonaa hal maalin oo ah Axada 19ka bisha May iyadoo ciyaaraha oo dhan ay bilaaban doonaan 4ta galabnimo waqtiga Ingariiska.
Kulamada ka horeeya dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League ayaa saameyn weyn ku yeelan doona tartanka horyaalka, iyadoo haatan ay seddexda kooxood kala saarto kaliya hal dhibic.
Waxaa jirta fursad ay seddexda kooxood tartankooda isla gaari karo ilaa iyo maalinta ugu danbeysa xilli ciyaareedka markaasoo ay Arsenal Emirates ku martigelin doonto Everton halka Liverpool ay wajihi doonto Wolves kulanka ugu danbeeya waayaha Jurgen Klopp ee Anfield halka Manchester City ay West Ham kula ciyaari doonto Etihad Stadium.