Pep Guardiola ayaa xirtay mid ka mid ah saacadaha ay adag tahay in la helo dunida kulankii ay xalay Manchester City barbaraha 3-3 la gashay kooxda Real Madrid ee Champoons League.
Inkastoo ciyaarta lix gool la iska dhaliyay, hadana mid ka mid ah hadal-heyntii ciyaarta ka dib waxay aheyd saacadii uu xirnaa tababaraha reer Spain.
Pep Guardiola ayaa soo xirtay mid ka mid ah saacadaha ay adag tahay in la helo dunida ee ugu qaalisan.
Saacada Guardiola ayaa nashqadeysay shirkada iibisa alaabaha qaaliga ah ee Richard Mille, waxaana si gaar ah loogu sameeyay xiddiga kubada tenniska ee Rafael Nadal.
Saacada ayaa magaceeda la yiraahdaa Calibre RM27-01, waxaana loo nashqadeeyay si qariib ah oo soo jiidasho leh.
Saacadaan ayaa ah mid aan inta badan la helin, xaqiiqdiina dunida oo dhan waxaa taala 50 saacadood oo noocaan oo kale ah, iyadoo Guardiola iyo Nadal ay ka mid yihiin dadka iibsaday.
Qiimaha saacada lagu iibsaday ayaa lagu sheegay inuu gaarayo 1.1 milyan ginni, waana mid ka mid ah saacadaha ugu qaalisan dunida.
Guardiola ayaa sheegay ciyaarta ka dib in kooxdiisa ay si fiican u ciyaartay isagoo rajeynaya inay shaqadii Bernabeu dhameystiraan kulanka Etihad Stadium ee lugta labaad ee la ciyaarayo Arbacada soo socota.