Tottenham ayaa isha ku haysa 21 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams kaas oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 42.8 milyan gini. (Telegraph)
Williams ayaa laga yaabaa inuu xilli ciyaareed kale sii joogo Athletic Bilbao ka hor inta aysan Barcelona isku dayin inay la soo wareegto xagaaga 2025. (Sport).
Wadahadalada Newcastle United iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Joelinton ayaa meel wanaagsan maraya, 27 jirkaan ayaa ku dhow inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda ka dhisan Premier League. (Telegraph)
Daafaca Faransiiska Raphael Varane, oo 30 jir ah, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Casemiro, oo 32 jir ah, ayaa la filayaa inay hormuud u noqdaan liiska ciyaartoyda ay Manchester United iska iibineyso xagaaga. (Talksport)
Paris St-Germain iyo Barcelona ayaa xiiseynaya weeraryahanka Liverpool Luis Diaz, kaasoo wakiilkiisa uu dhawaan booqday 27 jirka reer Colombia. (Telegraph)
Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay Mohamed Salah u ogolaato inuu u dhaqaaqo Saudi Pro League xagaagan hadii 31 jirka Masar uu cadeeyo inuu doonayo inuu baxo. (HITC)
Manchester City ayaa xiiseyneysa garabka kooxda Wolves ee Pedro Neto laakiin waxaa laga yaabaa inay tartan kala kulmaan kooxo ka dhisan Saudi Arabia oo doonaya 24 jirka reer Portugal. (Teamtalk)
Crystal Palace iyo Fulham ayaa isha ku haya inay u dhaqaaqaan daafaca kooxda Union Berlin ee reer Holland Danilho Doekhi, oo 25 jir ah (Insider Football).
Weeraryahanka Real Madrid Rodrygo, oo 23 jir ah, ayaa sheegay inuu diiday inuu u dhaqaaqo Liverpool 2017kii, inkastoo Reds ay dalab 3 milyan euro ah oo ay ka gudbisay xiddiga Brazil ay aqbashay kooxda Santos. (90min)
Arsenal ayaa kula tartami doonta Manchester United saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Wolves iyo Brazil Joao Gomes, oo 23 jir ah xagaagan. (O Dia)
Daafaca garabka midig ee xulka qaranka Holland iyo kooxda Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong, oo 23 jir ah, ayaa xiiso ka helaya Liverpool oo u dhaqaaqi karta si Trent Alexander-Arnold uu ugu wareego khadka dhexe. (Insider Football)
Manchester United ayaan weli heshiis magdhow ah kala gaarin Newcastle agaasime Dan Ashworth waxaana laga yaabaa inay sugaan dhowr bilood ka hor inta aysan u magacaabin agaasimaha ciyaaraha. (Guardian)