Manchester City iyo Erling Haaland ayaa si aad ah u carooday ka dib markii garsoore Francois Letexier uu si kama ah wajiga uga dharbaaxay weeraryahanka xilli ay garoonka ka baxayeen waqtigii nashada ee kulankii Champions League ee xalay.
Xiddiga reer Norway ayaana shabaqa soo taabanin kulankii Bernabeu iyadoo kooxda Pep Guardiola ay barbaro 3-3 ku qabatay Real Madrid, laakiin Haaland ayaa qeyb ka ahaa dhacdo dhexmartay isaga iyo garsooraha.
Weeraryahanka oo markii horeba ka careysnaa in kooxdiisa 2-1 lagu hogaaminayay waqtigii nasashada ayaa sidoo kale dharbaaxo kala kulmay garsooraha.
Garsooraha ayaa tilmaamay ka bixinayay jihada uu Haaland xigay, mana uusan ogeyn in weeraryahanka uu gadaashiisa socday, sidaasi darteed waxay gacantiisa wajiga uga dhacday Haaland taasoo keentay in Haaland iyo ciyaartoyda Man City ay ka caroodaan falka garsooraha.
Waxaa durbadiiba isku gadaamay qaar ka mid ah xiddiga City ka hor inta uusan garsooraha raaligelinin Haaland, isagoo u sheegay 23 jirkaan inuu wax u tilmaamayay daafaca Real Madrid Dani Carvajal.
Laakiin Haaland ayaan aqbalin raaligelinta gasrooraha isagoo gacmaha kor u tuuray carro darteed islamarkaana qolka labiska toos u aaday.
Qeybtii labaad Haaland wax saameyn ah kuma yeelanin ciyaarta waxaa ciyaartiisa xadiday Rudiger iyo Tchouameni, balse saaxiibadiisa Foden iyo Gvardiol ayaa ciyaarta dhanka kale u rogay ka hor inta uusan Real Madrid u barbareynin Federico Valverde.