Bukayo Saka ayaa laga qabqabtay garsooraha kadib markii laga diiday rigoore dhamaadkii ciyaarta Bayern Munich.
Laacibka kooxda Arsenal ayaa kubad ku helay goolka Bayern Munich daqiiqadii 96aad iyadoo shabaqa uu ka xigay kaliya goolhaye Manuel Neuer.
Iyadoo natiijada ciyaarta ay aheyd barbaro 2-2 ah, Saka ayaa waxay isku dhaceen goolhayaha Bayern Munich Manuel Neuer kaasoo lugta u taagay Saka si uu u celiyo.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa durbadiiba ku dhex dhacay xerada ganaaxa laakiin garsoore Glenn Nyberg ayaa diiday inuu rigoore u dhigo.
Sababta u garsooraha rigoore u diiday ayaa aheyd inuu aaminsanaa in Saka uu isagu doontay goolhayaha oo taabashada hore uu sameeyay, laakiin xaqiiqda taas way ka duwaneyd oo Neuer ayaa lugtiisa ku celiyay xiddiga Ingariiska.
Ka dib markii ay ciyaarta dhamaatay Saka ayaa durbadiiba ku cararay garsooraha.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa u cawday garsooraha reer Sweden isagoo u tilmaamayay lugtii uu Manuel Neuer u dhigay.
Caawiyaha garsooraha Arsenal Albert Stuivenberg ayaa durbadiiba ka soo gaaray isagoo dib u riixay Saka kaasoo carro darteed gacmaha kor u tuurayay.
Rio Ferdinand oo ciyaarta u falanqeynayay TNT Sports ayaa yiri: “Rigoore ayay aheyd. Ma aamini kari in la diiday. Waxaan dhex joogaa garoonka anigoo amakaak madaxa gacmaha la saartay. Sidee baan rigooradaas loo dhigin?”
Ferdinand ayaa sheegay inay aheyd in garsooraha uu la tashado VAR ama uu daawado shaashada VAR ka hor inta uusan go’aan gaarin.
Martin Keown oo u soo dheelay Arsenal ayaa isna yiri: “Haddii ay caawa halkaan joogaa 10 garsoore oo ugu fiican, sagaal ka mid ah rigoore ayay dhigi lahaayeen. Garsoorahaan ayaa ah midka kaliya ee aan rigoore dhigeynin. La yaab ayay ila tahay.”