Xiddiga reer Brazil ee Rodrygo ayaa daboolka ka qaaday sidii uu ku fashilmay heshiis uu ugu biirayey Liverpool, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa dalab qurux badan oo ka caawinayey in uu waxbarashadiisa kasii wato waddanka Ingiriiska isaga oo dhinacna kubadda ka ciyaaraya.
Rodrygo oo waraysi siiyey wargeyska The Guardian ee kasoo baxa UK, ayaa waxa uu kaga sheekeeyey dalab ay aqbashay kooxdiisii hore ee Santos oo uu ku tegi lahaa Liverpool, laakiin uu isagu shaqsi ahaan waqti dambe gaadhay go’aan ahaa inuu sii joogo naadigiisa.
23 jirkan oo boos joogto ah ka helay afka hore ee weerarka Real Madrid kaddib tegitaankii Karim Benzema ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxo dhawr ah iyadoo la sheegayo in uu lumin doono booskiisa haddii uu kooxda yimaaddo Kylian Mbappe.
Sannadkii 2017 ayaa waxa Rodrygo dalab €3 milyan oo Gini ahaa ka gudbisay Liverpool iyadoo ay waqtigaas da’diisu ahayd 16 jir, laakiin laacibkan ayaa go’aansaday inuu sii joogo naadigiisii Santos oo sannad kaddibna ay kala soo wareegtay Real Madrid.
The Guardian oo weydiiyey Rodrygo heshiiska Liverpool ayaa yidhi: “Uma aanaan dhoweyn in uu heshiis dhaco sababtoo ah anigu ma doonayn in aan tago Liverpool. Waxa aan doonayey in aan sii joogo Santos xataa iyadoo Liverpool dalabyo aad u wanaagsan iisoo bandhigtay.
“Waxay ii ballan-qaadeen waxyaabo aad ugu fiicnaa waayahayga ciyaareed. Waxa aan tegi lahaa oo aan waxbarashadayda ku dhamaysan lahaa England, aniga oo sidoo kalena isku diyaainaya kubadda Yurub.”
Sannadkii 2019 ayay Real Madrid €45 milyan oo Gini kusoo iibsatay Rodrygo, waxaana uu sidaas ugu soo guuray qaaradda Yurub.
Mar la weydiiyey sida uu ku dhacay heshiiskiisii Real Madrid, waxa uu ku jawaabay: “Riyadaydu waxay mar walba ahayd in aan ka ciyaaro Yurub. Wax walba aad bay u fiicnaayeen, laakiin hankayga ayaa weynaa. Waxa aan doonayey in aan sii joogo Santos oo aan taariikhda kooxda galo, taas ayaana dhacday. Waxa aan awooday in aan rumeeyo riyadaydii ahayd in aan u ciyaaro Santo, laakiin waa run in aan u dhowaaday in aan tago Liverpool.”