Virgil van Dijk ayaa si xun u weeraray saaxiibadiisa Liverpool kadib markii ay Reds barbaro 2-2 ah kula gashay Manchester United garoonka Old Trafford.
Dhibcaha ay Liverpool lumisay ayaa yimid ka dib markii ay guulo waaweyn gaareen Manchester City iyo Arsenal iyadoo tartanka horyaalka uu sii kululaanayo.
Reds ayaa ku guuldareysatay inay ka badiso United seddex kulan xilli ciyaareedkan, labo barbaro ayay galeen horyaalka, waxaana laga badiyay sideed dhamaadkii FA Cup.
Kabtan Van Dijk ayaa si kulul u weeraray ciyaartoyda weerarka iyo kuwa khadka dhexe isagoo sheegay in natiijadii shalay ay la mid tahay guuldarro.
“Sida iska cad waa waa qaladkeena mar kale,” ayuu yidhi, isaga oo la hadlayay Sky Sports.
“Waxay ahayd inaan ugu yaraan 2-0 ku hogaamino waqtigii nasashada.
“Waan xakameynay iyaga, laakiin wixii dhacay waa wax laga xishoodo, natiijadaan waxay leedahay dareen guuldarro.
“Sababtoo ah waan khasaarinay fursadaheena waxaan siinay fursad ay ku soo noolaadaan. Nasiibdarro qaladaad shaqsiyadeed ayaa dhacay kulankaan laakiin waxaan heysanay waqti badan oo aan ku saxno.
“Degdeg ayaa nagu jirtay, waxaan luminay kubada badan iyo koontaroolkii khadka dhexe.. natiijadaan waxay la mid tahay guuldarro.”
Van Dijk ayaa carabka ku adkeeyay in Liverpool ay ku qasban tahay inay kabsasho soo sameyso kulamada soo socda.
Reds waxay martigelineysaa Atalanta kulanka lugta hore ee wareega 8da Europa League Khamiista ka hor inta aysan Anfield ku soo dhaweynin Crystal Palace isbuuca danbe.
Ka dib waxay ciyaarayaan seddex kulan oo isku xigta oo ay marti yihiin oo ay booqanayaan Fulham, Everton iyo West Ham.