Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa uga hormartay Man City saxeexa xiddig ay doonayaan labada tababare ee Carlo Ancelotti iyo Pep Guardiola oo uu mid walba isku dayayo in ay kooxdiisu nasiib u hesho oo uu isku xoojiyo xilli-ciyaareedka dambe.
Labadan kooxood oo Salaasada ku ballansan lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League oo ay ugu dagaallamayaan in midkood uu usoo gudbo afar-dhamaadka, ayaa waxa ay sidoo kale ku dagaallamayaan suuqa iibka ciyaartoyda.
Real Madrid ayaa tallaabooyin ka dheeraysay Manchester City oo ay ku loollamayaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen iyo xulka Germany ee Florian Wirtz oo ay da’diisu tahay 20 jir, kaas oo waqti horeba gaadhay heer lagu qiimeeyo inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan Yurub.
Kooxo badan oo reer Yurub ah ayaa doonaya Florian Wirtz, laakiin waxa tartanka hoggaaminaya kooxaha Manchester City iyo Real Madrid oo lagu wargeliyey in qiimaha laacibkan aanu ka yaraan doonin €100 milyan oo Euro.