Supercomputer ayaa sameeyey saadaal cusub kaddib natiijooyinkii usbuuc-dhamaadkan ee horyaalka Premier League, iyadoo ay wali isku dheggan yihiin Liverpool, Arsenal iyo Manchester City oo ay saddex dhibcood oo kali ahi kala soocaan.
Liverpool ayaa laba dhibcood ka horreysa Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad, halka Manchester City ay dhibic kaliya ka dambayso Gunners oo ay saddexaad fadhido.
Supercomputer oo adeegsanaya hab-xisaabeedka BETSiE ayaa 100,000 jeer wareejiyey saadaashiisa, kaddibna waxa uu shaaciyey kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League, afarta sare iyo saddexda heerka labaad u dhacaya.
Kooxda tababare Jurgen Klopp ee Liverpool ayuu Supercomputer sheegay, in ay tahay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League marka loo eego naadiyada kale, sababtoo ah waxa ay fursaddoodu tahay 49%, taas oo haddii ay dhabowdo noqon doonta in ay mar kale qaadi doonto horyaalka ay afar sannadood ka hor ku guuleysatay.
Arsenal ayaa noqotay kooxda labaad ee uu Supercomputer u saadaaliyey horyaalka, waxaana uu fursadda Gunners ku sheegay 35.1%, halka Manchester City ay kaliya haysato fursad ah 15.9%.
Dhinaca kale, Aston Villa ayaa noqon doonta kooxda kaalinta afraad, iyadoo ka sarrayn doonta Tottenham oo shanaad ku dhamaysan doonta, taas oo ka dhigan in Manchester United ay ka maqnaan doonto tartanka Champions League ee xilli-cyaareedka dambe.
Supercomputer ayaa sidoo kale kala saaray kooxaha sagxadda hoose fadhiya, waxaana uu u sheegay Sheffield United, Burnley iyo Luton Town in ay u dhici doonaan heerka labaad, halka labada kooxood ee Everton iyo Nottingham oo iyaguna casaanka kulaalaya uu Supercomputer u sheegay in aanay in badan nixin.
Saadaasha Supercomputer oo dhamaystiran