Halyeygii reer England ee Danny Murphy ayaa ka hadlay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League isaga oo kala saaray saddexda kooxood ee loollamaya ee Liverpool, Arsenal iyo Manchester United oo uu midkood ka saaray tartanka horyaalka.
Saddexda kooxood ayaa waxa kaliya oo kala sooca saddex kooxood iyadoo ay min 30 kulan ciyaareen oo ay siddeed kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin xilli=ciyaareedka socda.
Saddexda m,ooxoodba waxa ay haystaan fursad weyn oo ay iskaga beddeli karaan hoggaanka illaa dhamaadka iyadoo kooxda la qabto ay dhaafayso kooxda ku xigta.
Danny Murphy oo khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka qaranka England ayaa saadaaliyey horyaalka waxaana uu ku dooday in Liverpool ay ku guuleysan doonto, isla markaana Manchester City ay kaalinta labaad ku dhamaysanayso halka Arsenal uu u sheegay in aanay wax fursad ah haysanin.
47 jirkan, ayaa waxa uu xusay in Arsenal ay marti u noqon doonto kooxaha Brighton, Manchester United iyo Tottenham oo dhamaantood ah kooxo adag. Sidoo kael, Chelsea ayay dhamaadka bishan isku haleeli doonaan Emirates Stadium, waxaana Danny Murphy uu rumaysan yahay in kulamadani dabri doonaan tartanka Arsenal.
Danny Murphy oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Sidani waa sida aynu doonayno inuu noqdo tartanka horyaalka Premier League. Haddii aanad ahayn taageere an City ah waxa laga yaabaa in aad doonayso in ay koox kale ku guuleysato.
“Anigu sannadkii hore waxa aan doonayey in ay Arsenal ku guuleysato. Ujeedadu ma aha in aanan la dhacsanayn Man City oo ah koox cajiib ah oo haysata tababare wanaagsan, laakiin waxaynu u baahanahay in Premier League uu noqdo horyaal lagu tartamayo.”
Danny Murphy ayaa intaa kaddib waxa uu meesha ka saaray Arsenal, isaga oo yidhi: “Ilama aha in Arsenal ay laynka ku jirayso, sababtoo ah kulamada kusoo fool leh. Waxa ay tegi doonaan Tottenham, Old Trafford iyo Brighton.
“Waa saddex ciyaarood oo adag, waxaanay ila tahay in Liverpool iyo Manchester City ay dariiq fudud marayaan. Liverpool waa cadaab wanaagsan kulamadeedu, waxaana woxoogaa walwal ah igu haysa ciyaarta Tottenham, balse Manchester City dariiqeedu wuu fudud yahay.”