Manchester City ayaa waxa jug weyn ay soo gaadhay qaybta hore ee ciyaartii Arsenal, waxaana dhaawac kaa baxay Nathan Ake oo muruqa ay waxyeello kasoo gaadhay, waxaana daafacan reer Netherlands uu ka maqnaan doonaa kulanka Aston Villa.
Pep Guardiola ayaa waxa sidoo kale kooxdiisa ka maqan goolhayaha reer Brazil ee Ederson oo ku dhaawacmay ciyaartii Liverpool ay barbarraha ku kala baxeen garoonka Anfield, taas oo isaga oo isku dayaya inuu kubadda ka joojiyo Darwin Nunez uu dhaawac soo gaadhay, sidoo kalena uu rikoodhe ku qabtay kooxdiisa.
Waxa kale oo Manchester City ka dhaawacan difaaca midig ee reer England ee Kyle Walker oo kusoo dhaawacmay ciyaarihii caalamiga ahaa, hase yeeshee waxa taam u ah kulanka Aston Villa difaaca dhexe ee John Stones.
Tababare Pep Guardiola oo la hadlay warbaahinta ka hor ciyaarta Aston Villa ayaa yidhi: “Uma malaynayo in midkoodna uu taam noqon karayo [Walker, Ake iyo Ederson], laakiin John Stones ayaa laga yaabaa in uu diyaar noqdo. Kuwa kale wax fursad ah uma haystaan.”
Mar la weydiiyey in Nathan Ake uu ciyaari karayo waxa uu ku jawaabay: “Maya, wuu dhaawacan yahay, waxaanuse rajaynaynaa inuu si degdeg ah usoo laaban doono. Ma garanayo waqtiga saxda ah, kulamada soo socda wuu ka maqnaan doonaa.”