Taageereyaasha kubadda cagta ayaa waxa ay ammaan u jeediyeen horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay sheegeen in xilli-ciyaareedkan uu ka muuqaallo wanaagsan yahay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, sababtoo ah teknoolojiyadda laga isticmaalo Spain oo ka casrisan midka Premier League.
Horyaalka LaLiga oo doonaya inuu kordhiyo daawada dunida iyo dadka uu gaadho, ayaa waxa uu soo kordhiyey amaba ikhtiraacay kaamirooyin dhinacyada ah oo cusub oo sababay in ciyaartoyda ku jira garoomada loo arko si ka nadiifsan hroyaallada kale.
Premier League iyo saddexda horyaal ee kale ee waaweyn ee Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 ayaa iyaguna isticmaala aalado muuqaal fiican laakiin waxa ka dheereeyey LaLiga oo adeegsanaya kaamirooyin ka casrisan kuwooda.
Jamaahiirta ciyaaraha Premier League ayaa markii ay arkeen muuqaallada horyaalka LaLiga waxa ay dalbadeen in kaamirooyinkaas oo kale lagu xidho garoomada si ay u helaan muuqaallo qurux badan, waxaana in badan la wareejiyey oo ay jamaahiirta kubadda cagtu isla wadaageen muuqaal lagu duubay Jude Bellingham oo la socda ciyaartoyda kooxdiisa oo soo gelaya garoonka Santiago Bernabeu ka hor ciyaartii Athletic Bilbao.
Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa waxa lagu isticmaalaa oo lagu duubaa kaamirooyin 8k ah, laakiin waxa u dheer kaamriooyin kale oo casri ah oo iyagana loo adeegsado qabashada muuqaallada gaarka ah, sida ciyaartoyda garoonka soo gelaysa, dabbaal-degyada goolasha dhashay iyo marka lagu soo celinayo dhacdooyinka garoonka gudihiisa sida goolasha dhashay.
Nah they need to give this cameraman a pay rise pic.twitter.com/2YJGJwkzt4
— WolfRMFC (@WolfRMFC) March 31, 2024