Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku qaabbili doonta Brighton & Hove Albion iyadoo haysata fursad ay saddex dhibcood ugu qaban karayso hoggaanka horyaalka Premier League.
Tababare Jurgen Klopp ayaa ay kooxdiisu ciyaaraysaa ka hor kulanka la sugayo ee Manchester City iyo Arsenal ee fiidka, waxaana Reds ay isbeddel kusii samayn doontaa miiska kala-sarraynta haddii ay guuleysato.
Liverpool ayaa waxa ciyaartan ka maqan siddeed laacib oo muhiim ah oo dhaawacyo ku seegaya kulankan, iyadoo ay si fool ka fool ah iskaga hor imanayaan Jurgen Klopp iyo Roberto De Zerbi oo la sheegayo inay iska beddeli doonaan Liverpool.
Weeraryahanka reer Portual ee Diogo Jota ayaa kasoo kabtay dhaawac uu ku maqnaa tan iyo ciyaartii Brentford ee February 17, laakiin ciyaarta maanta ayaa ku noqotay waqti hore, waxaanay u badan tahay in aan khatar lagu gelin doonin kulankan.
Difaaca midig ee reer England ee Trent Alexander-Arnold ayaa isaguna kasoo kabtay dhaawac jilibka ahaa, balse lama filayo inuu ciyaari doono sababtoo ah waxa ay dhakhaatiirta iyo tababare Jurgen Klopp ka baqayaan in ay waxyeelo kasoo gaadho maadaama aanu taam ahaanshihiisu buuxin.
Andy Robertson oo ku dhaawacmay ciyaarihii caalamiga ahaa ee bishan, Alisson Becker iyo Thiago Alcantara ayaa iyaguna ka maqan kulankan.
Difaaca reer Cameroon ee Joel Matip oo jilibka ka jabay lama sugayo in garoomada lagu arko xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena Stefan Bajcetic iyo Ben White ayaa dhaawacyo aan faahfaahin badan laga bixinin ku maqan.