Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa soo jeediyay in fasaxii kulamada heerka caalami inay sabab u aheyd qaab ciyaareedkii xumaa ee ay kala hortageen Brentford xalayto, inkastoo todoba ciyaaryahan oo Brentford u saftay ay kulamada caalamiga ah ka ciyaareen horaantii bishaan.
Inkastoo Mason Mount uu hogaan u dhiibay daqiiqadii 96aad hadana Man United ayaa nasiib ku laheyd inay dhibic la fakatay. Kristoffer Ajer ayaa u barbareeyay Brentford daqiiqado ka dib, iyadoo kooxda martida loo yahay ay heshay 30 darbo.
Ten Hag ayaa sheegay in labadii isbuuc ay ciyaartoydiisa ku maqnaayeen kulamada heerka caalami inay sabab u aheyd qaab ciyaareedkii xumaa ee xalay.
Ten Hag ayaa u sheegay Sky Sports: “Ka dib ciyaaraha caalamiga ah, qaab ciyaareedka kooxda uma sareeya sidii hore oo kale.”
Si kastaba, Brentford ayaa fekerkaas meesha ka saartay madaama ciyaartooy badan ay u dheeleen xulalkooda todobaadkii la soo dhaafay,
Ajer, Mark Flekken, Ivan Toney, Nathan Collins, Mathias Jensen, Mads Roerslev iyo Yegor Yarmolyuk ayaa ku soo bilowday shaxda Brentford inkastoo ay kulamada heerka caalami ay ciyaareen, waxayna neefta ku celiyeen xiddigaha Man United.