Liverpool ayaa dooratay tababaraha ay doonayso inuu u beddelo Jurgen Klopp, waana Ruben Amorim oo ah macallinka Sporting Lisbon. Reds ayaa o’aan ku gaadhay inay la saxeexato Amorim kaddib markii uu Xabi Alonso shaaciyey inuu sii joogayo Bayer Leverkusen. (Liverpool Echo)
Amorim oo 39 jir ayaa waxa qandaraaskiisa Sportin Lisbon lagu burburin karayaa £12.8 milyan oo Gini marka la gaadho xagaaga. (Telegraph)
Waxa kale oo ay Bayern Munich doonaysaa Roberto de Zerbi iyo macallinka xulka Germany ee Julian Nagelsmann. (Florian Plettenberg)
Graham Potter ayaa ka mid noqday liiska tababareyaasha ay doonayso Borussia Dortmund, inkasta oo uu ku fashilmay Chelsea. (HITC)
Real Madrid waxa u qorshaysan inay la saxeexato difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo ah 12 jir ay qandaraaskiisa ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya. Los Blancos ayaa qiimaynaysa xaaladda laacibkan. (90 min)
Liverpool waxa ay xiisaynaysaa garabka weerarka xulka Masar iyo kooxda Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush oo 25 jir ah, si uu ugu beddelo laacibka ay isku waddanka yihiin ee Mohamed Salah oo la sheegayo inuu xagaaga ka tegayo Anfield. (Mundo Deportivo)
Barcelona ma awoodi doonto inay si rasmi ah ula saxeexato difaaca midig ee reer Portugal ee Joao Cancelo oo xagaagii ay amaah kaga soo qaateen Manchester City. Dhaqaale xumada haysata Barca ayaa keeni doonta in laacibkani uu tago kooxda Al-Ittihad ee waddanka Sucudiga oo si weyn u doonaysa. (Sport)
Manchester United ayaa ka fiirsanaysa inay bixiso 60 milyan oo Euro oo ah lacagta lagu burburin karayo qandaraaska difaaca reer Brazil ee Gleison Bremen uu kula jiro Juventus. Red Devils ayaa doonaysa inay 27 jirkan ku xoojiso safkeeda. (Repubblica(
Khadka dhexe ee reer Belgium ee Amadou Onana oo 22 jir ah, ayaa ay kooxdiisa Everton iibin doontaa xagaaga, haddii ay u dhacdo heerka labaad. (Football Insider)
Tottenham waxay qorshaysay inay aqbasho dalabyada laga soo gudbinayo khadka dhexe ee reer Denmark ee Pierre-Emile Hojbjerg. (Football Insider)
Barcelona waxa ay rajaynaysaa in ay la saxeexan doonto 16 jirka garabka weerarka uga ciyaara kooxda reer Brazil ee Palmeiras ee Messinho, laakiin waxa kula tartamaya kooxaha Man City, Man United, Chelsea, Arsenal iyo PSG. (Mundo Deportivo).