Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa ganaax culus kusoo rogay xiddiga 10ka bilood garoomada laga mamnuucay ee Sandro Tonali oo lagu helay inuu sameeyey khamaar mamnuuc ka ah ciyaartoyda.
Kubbad-sameeyaha Talyaania oo xagaagii ay Newcastle United kasoo iibsatay AC Milan bishii October lagu xukumay in aanu ciyaari karin muddo toban bilood ah oo ka bilaabmaysay waqtigaas, taas oo ka dhigan in Newcastle ay illaa horraanta xilli-ciyaareedka dambe waayi doonto xiddigan ay lacagta badan kasoo bixisay.
23 jirkan ayaa waxa xukunkiisa ridday maxkamad ku taalla waddanka Talyaaniga markii ay taariikhdu ahayd October 26, hase yeeshee waxa hadda ganaax kale oo xaaladda uga sii daraysa ku riday xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA.
War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa lagu yidhi: “Sandro Tonali waxa lagu ganaaxay in uu u dhaqmay si xun oo aanu u hoggaansamin sharciga kubadda cagta ee FA Cup oo lidka ku ah khamaarka.