Saamaynta Mohamed Salah ee ciyaartoyda kooxdiisu xuduud ma laha, waxaana arrintan shaaciyey Alexis Mac Allister oo uu su’aal adag hordhigay, kuna qabsay in aanu mar dambe samaynin falkaas oo kale.
Xiddiga reer Masar oo shaki la gelinayo mustaqbalkiisa Liverpool iyadoo ay doonayaan kooxaha lacagta badan haysta ee SUcuudiga, ayaa waxa uu talooyin iyo waano siiyaa ciyaartoyda kooxdiisa.
Kuwa aanu kala masuugin inuu wax u sheego waxa ka mid ah xiddiga reer Argentina ee Alexis Mac Allister oo xulka qaranka Argentina ay iskaga garab ciyaaraan Lionel Messi.
Salah ayaa waxa uu Mac Allister siiyey tilmaamo iyaga oo ku wada sugan garoonka tababarka, waxaana uu laacibka reer Argentina ku farxay inuu qaato wixii uu u sheegay saaxiibkiisa Anfield ee isaga kaga khibradda badan.
Mac Allister oo waraysi siiyey YouTube-ka kooxdiisa Liverpool ayaa yidhi: “Markii aan joogay Brighton, waxa caado ii ahaan jirtay inaan xidho saraawiil. Markii aan imid halkan (Liverpool) waxa aan xasuustaa in markii aanu u baxnay waqtiga iskululaynta ka hor ciyaartii Sheffield United aniga oo xidhan surwaal iyo koofiyad, in Mohamed Salah uu igu yidhi: ‘maxaad samaynaysaa, waa maxay sababta aad u xidhanayso surwaalka iyo koofiyadda.’
“Intii maalintaa ka dambaysay, marnaba ma aanan xidhanin surwaal, sababtuna waa Mo daraadii.”
Si kastaba ha ahaatee, Alexis Mac Allister oo xagaagii ay Liverpool kasoo iibsatay Brighton & Hove Albion ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxdiisa waxaana 34 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay uu u dhaliyey shan gool, iyaga oo khadka dhexe mataano ku ah Dominik Szoboszlai iyo Wataru Endo.