Qiimayn la sameeyey ayaa lagu soo bandhigay soddonka kooxood ee ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka waqtigan, waxaanay dhamaantood noqdeen naadiyada ka dhisan horyaallada qaaradda Yurub.
Manchester City ayaa noqotay kooxda kaalinta koowaad ku jirta ee ugu wanaagsan dhamaan kooxaha kubadda cagta, iyadoo haysata 100 dhibcood oo ah hal-beega qiimayntan lagu salleeyey, halka Real Madrid ay kaalinta labaad u dhacday.
Kooxo lama filaan ah ayaa liiska ka mid noqday, waxaana ka mid ah mucjisada sannadkan ee horyaalka Spain ee Girona oo kaalinta saddexaad kaa jirta horyaalka LaLiga, isla markaana ka mid ah kooxaha City Group ee ay iska leeyihiin mulkiileyaasha Manchester City ee qoyska reer Abu Dhabi.
Inter Milan oo kaalinta saddexaad kaga jirta liiska 30ka kooxood ee ugu fiican ayaa Talyaania kasoo gashay tobanka sare, halka Liverpool ay afraad ku jirto oo ay shanaad u riixday Arsenal oo hoggaaminaysa horyaalka Premier League.
Bayern Munich oo baryaha qaarkood ahaan jirtay kooxda ugu wanaasan ayaa fadhida toddobaad, laakiin hoos u dhaca ugu weyni waxa uu ku yimid Barcelona oo kaalinta sagaalaad ku jirta, halka PSG ay iyadu lixaad fadhido.
Qiimayntan oo ay samaysay shabakadda xogta iyo qiimaynta ee Opta ayaa waxa kaalinta 20aad kaa jirta Manchester United, halka Chelsea ay 26aad.
Halkan kaga bogo 30ka kooxood ee ugu wanaagsan kubadda cagta iyo qiimaynta dhibcahooda | ||
Kaalinta | Kooxda | Qiimaynta |
30. | Girona | 88.3 |
29. | Brighton & Hove Albion | 88.4 |
28. | Real Sociedad | 88.4 |
27. | Roma | 88.5 |
26. | Chelsea | 88.6 |
25. | Newcastle United | 89.0 |
24. | Napoli | 89.1 |
23. | PSV Eindhoven | 89.3 |
22. | Athletic Bilbao | 89.3 |
21. | Sporting CP | 89.4 |
20. | Manchester United | 89.4 |
19. | Benfica | 89.5 |
18. | Aston Villa | 89.7 |
17. | Atalanta | 89.8 |
16. | Porto | 89.9 |
15. | Atletico Madrid | 90.3 |
14. | Juventus | 90.4 |
10. | Borussia Dortmund | 91.8 |
9. | Barcelona | 93.0 |
8. | Bayer Leverkusen | 93.8 |
7. | Bayern Munich | 94.3 |
6. | Paris Saint-Germain | 94.6 |
5. | Arsenal | 94.8 |
4. | Liverpool | 94.8 |
3. | Inter Milan | 97.1 |
2. | Real Madrid | 97.1 |
1. | Manchester City | 100 |