Arsenal ayaa dooratay 10 weeraryahan oo ay ka dhax-dooranayso dilaaga hoggaamin doona afkeeda xilli-ciyaareedka dambe, waxaana ku jira xiddigaha liiskan ku xusan Benjamin Sesko oo u dheela RB Leipzi, Giktor Gyokeres oo hoggaamiyaha Sporting Lisbon iyo Alexander Isak oo Newcastle United ah. (Mirror)
Weeraryahanka Brentford ee Ivan Toney oo 28 jir ah, ayaa sidoo kale ku jira xiddigaha uu tababare Mikel Arteta doonayo inuu keeno Emirates Stadium. (Mail)
Pep Guardiola ayaa waxa uu u waalanayaa khadka dhexe ee Newcastle ee Bruno Guimaraes oo 26 jir ah, laakiin Man City ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso 100 milyan oo Euro si ay u hesho laacibkan reer Brazil. (Fichajes)
West Ham waxa ay rajaynaysaa in ay Man City la saxeexan doonto xiddigeeda khadka dhexe ee reer Brazil ee Lucas Paqueta oo 26 jir ah. (Football Insider)
Chelsea waxa ay ka mid noqotay tiro kooxo reer Yurub ah oo doonaya goolhayaha xulka qaranka Brazil ee Bento oo wacdaro ka dhigay kulamadii saaxiibtinimo ee xulkiisu la dheelay England iyo Spain. Waxa uu u dheelaa Athletico Paranaense. (Globo)
Tottenham waxa ay doonaysaa inay la saxeexato weeraryahanka Feyenoord ee Santiao Gimenez oo ah 22 jir u dhashay waddanka Mexico si uu ugu beddelo Harry Kane oo xagaagii uga wareegay Bayern Munich, kaas oo wali aanay helin ciyaartoy booskiisa si fiican u buuxiya. (Caught Offside)
Weeraryahanka Liverpool ee Luis Diaz oo 27 jir ah wali kama aanu rajo dhigin riyadiisii ahayd inuu u ciyaaro kooxaha horyaalka waddanka Spain ee LaLia, sida uu sheegay aabbihii oo saxaafadda lahadlay. (Daily Mail)
Manchester United waxa ay xiisaynaysaa difaaca reer Argentina ee Aaron Anselmino oo ah 18 jir u dheela Boca Juniors. (Ole)
Tababaraha Brighton ee Roberto De Zerbi ayaa hogaaminaya tababareyaasha ay doonayso Bayern Munich, waxaana sidoo kale liiskooda ku jira Xabi Alonso oo ay u muuqdaan in aanay rajo ka qaybin inay helayaan. (Florian Plettenberg)
Tottenham, West Ham, Brighton iyo Everton ayaa dhamaantood doonaya da’yarka reer England ee Samuel Iling-Junior oo ah 20 jir garabka uga ciyaara Juventus. (Football Insider)
Khadka dhexe ee Talyaania ee Jorginho oo 32 jir ah, waxa suurtogal ah inuu ka tago Arsenal dhamaadka xilli-ciyaareedkan oo uu ku egyahay qandaraaskiisu, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo Talyaani ah. (Football London)
Kubbad-sameeyaha Manchester United ee Christian Eriksen oo 32 jir ah, ayey Red Devils u ogolaan doontaa inuu iska tago xagaaga. (Football Insider)
Real Madrid ayaa heshiis cusub oo sannad ah ka saxeexanaysa Toni Kroos oo 34 jir ah, sidoo kalena Lucas Vazquez iyo Nacho ayaa iyagana la filayaa inay heshiisyo cusub saxeexaan. (Marca)
Tababare ku-xigeenka Liverpool ee Pep Lijnders ayaa la filayaa in uu noqdo macallinka cusub ee kooxda Ajax hoggaamin doona xilli-ciyaareedka dambe. (Telegraph)
Manchester United waxa ay ka cadhaysan tahay in Sevilla ay waqti siin weyday laacibka reer Tunisia ee Hannibal Mejbri oo khadka dhexe ka dheela, kaas oo Sevilla ay amaah kaga soo qaadatay United bishii January, waxaanu illaa hadda u saftay afar ciyaarood oo kaliya. (90 min)
Da’yarka Arsenal ee Ethan Nwaneri ayaa saxeexi doona heshiiskiisii koowaad ee xiradeed ee Gunners, kaas oo albaabka ka xidhi doona Man City oo damacsanayd laacibkan. (Football Insider)