Xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League waa mid si adag loogu dagaalamayo iyadoo tartanka uu ka dhaxeeyay seddexda kooxood ee Arsenal, Liverpool iyo Man City oo hal dhibic kaliya ay kala saarto.
Si kastaba, ha ahaateen kulanka weyn ee Axada ee u dhaxeeya kooxda hogaanka heysa ee Arsenal iyo kooxda kaalinta seddexaad ee Man City ayaa wax weyn ka bedeli doona tartanka horyaalka.
Gunners ayaa ka horimaaneysa Man City iyadoo aan wax guul ah ka gaarin horyaalka kooxda Pep Guardiola muddo sagaal sannadood ah.
Manchester City waxaa lagu doodi karaa inay heysato ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta Ingariiska, laakiin immisa ciyaartooy oo Arsenal ah ayaa ka soo muuqan kara shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood. Wargeyska Daily Mail ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.
Shaxda isku dhafka ah Man City ayaa ku badan oo waxay ku yeelatay todoba ciyaaryahan halka Arsenal ay heshay kaliya afar boos.
Goolka waxaa ku soo baxay goolhayaha Man City Ederson. Afarta daafaca danbe way qeybsadeen iyadoo daafcyadaha garbaha ay qaadatay Man City oo ay u gelaan Kyle Walker iyo Nathan Ake halka daafacyada dhexe ay qaadatay Arsenal oo ay u galeen William Saliba iyo Gabriel.
Khadka dhexe Man City ayaa u badan iyadoo ay u soo galeen Rodri iyo Kevin de Bruyne halka uu ku wehliya xiddiga Arsenal Declan Rice.
Weerarka waxaa sidoo kale u badan Man City iyadoo ay u soo galeen Phil Foden iyo Erling Haaland, waxaana wehel u ah xiddiga Arsenal Bukayo Saka.
Sidee u aragtaa shaxda isku dhafka ah? Si cadaalad ah miyay u qiimeysay Daily Mail? Maxaad ka bedeli laheyd?
Halaand mesha wan ka saari lahaaa Julian alvers ayan keeni lahaaa
Halaand mesha wan ka saari lahaaa Julian alvers ayan keeni lahaaa by salah.