Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa dalbaday in maamulka kooxdiisu ayka shaqeeyaan sidii ay Etihad Stadium u keeni lahaayeen xiddig uu calmaday oo uu rumaysan yahay inuu wax badan kusoo kordhin doono safkiisa.
Pep Guardiola oo arkaya in kooxdiisu ay halis ugu jirto in lagu qabsado horyaalkii ay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey sida xidhiidhka ah ugu guuleysanaysay, haddana ay ka horreeyaan Arsenal iyo Liverpool, ayaa rumaysan in haddii aanay is-xoojinin in aanay sii wadan karaynin guulaha ay kasoo hoynayaan garoomada.
Khadka dhexe ayaa ah meesha uu Pep Guardiola doonayo inuu ka xoojiyo naadigiisa, iyadoo weerarka uu kalsooni ku qabo in Erling Haaland iyo Julian Alvarez ay ku filan yihiin, sidoo kalena garbaha weerarka ay joogaan ciyaartooyo tayo leh oo ay da’dooduna yar tahay, sida Doku, Grealish iyo Foden.
Booska uu hadda dalbanayo in laga tiiriyo naadigiisa waa khadka dhexe oo la sheegayo in ay suurtogal tahay inuu ka tago Kevin De Bruyne xagaaga, iyadoo dalabyo waaweyn uu ka haysto horyaalka Sucuudiga, halka Bernardo Silva isagana aanu mustaqbalkiisu sugnayn oo uu hore u caddeeyey in uu doonayo in aanu mustaqbalkiisa ku dhamaanin Etihad Stadium.
Sida uu qoray wargeyska Fichajes ee kasoo baxa waddanka Spain, Pep Guardiola ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday in loo keeno xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Guimaraes oo qandaraaskiisa Newcastle lagu burburin karayo £100 milyan oo Gini.
26 jirkan oo January 2022 ay Newcastle £40 milyan oo Gini kusoo iibsatay ayaa noqday halbowlaha kooxdaas, waxaana xilli-ciyaareedkiisii koowaad oo uu yimid isaa oo kala-badh maraya uu u saftay 17 ciyaarood oo Premier League ah oo uu shan gool u dhaliyey.