Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xiddigo muhiim ah ay ka dhaawacmeen ka hor kulanka adag ee Axadda ee Arsenal, kuwaas oo halis ugu jira inay seegeen ciyaarta ugu soo horreysa ee Premier League.
Dhakhaatiirta Manchester City ayaa ku hawlan sidii ay u daaweyn lahaayeen toddoba ciyaartoy oo muhiim ah oo la sheegay in ay yar tahay fursaddooda ciyaarta Arsenal amaba uu shaki weyn ku jiro inay taam u noqon doonaan.
Man City oo hal dhibic ka dambaysa Arsenal iyo Liverpool oo wada-jir u hoggaaminaya horyaalka inkasta oo Arsenal ay farqiga goolasha ku horreyso, ayaa warkii ugu dambeeyey ee dhaawacu waxa uu usoo yeedhay Salaasadiim markaas oo difaaca reer England ee John Stones uu ka baxay ciyaartii xulka England uu barbarraha la galay Belgium.
Ederson, Kevin De Bruyne iyo Jack Grealish ayaa dhaawacyo looga reebay kulamadii caalamiga ahaa ee bishan iyagoo ku sugnaa garoonka tababarka ee City, waxaana halkaas ugu tegay Kyle Walker oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii England iyo Brazil ee Sabtidii.
Salaasadii shalay ayaa waxa tirada dhaawacyada Man City shan ciyaartoy ka dhigay John Stones, balse waxa kale oo xulka qaranka Switzerland isaguna kusoo dhaawacmay difaaca dhexe ee Manuel Akanji, halka laacibka khadka dhexe ee reer Portugal uu seegay kulankii dalkiisa ee Slovenia ee ay guul-darrada culus soo gaadhay.
Inkasta oo De Bruyne iyo Grealish lagu sawiray garoonka tababarka toddobaadkan, haddana ciyaartoyda waqtigan ka dhaawacan Man City ee aan taamka ahayn iyadoo ay soo dhow dahay ciyaarta Arsenal ayaa ah Ederson, Akanji, Stones, Walker, De Bruyne, Nunes, Grealish.