Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku qancisay Xabi Alonso in uu noqdo tababarahooda cusub ee xilli-ciyaareedka dambe ee 2024/25 isla markaana bedeelaya Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda ka tegi doona Liverpool.
Sida uu sheegay falanqeeyaha ciyaaraha beIN Sports ee Richard Keys, Liverpool ayaa waxa ay ku guuleysatay inay ku qanciso Xabi Alonso in uu yimaaddo Anfield marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Warkan ayaa ka farxiyey Liverpool oo uu ka tegayo Jurgen Klopp oo soo afjaraya sagaal sanadood oo uu joogay Anfield oo uu tababaraha Liverpool ahaa.
Richard Hughes oo ah agaasimaha cusub ee ciyaarah Liverpool iyo Michael Edwards oo ah guddoomiyaha kooxda ayaa waxa la sheegay inay ku qanciyeen Alonso in uu noqdo tababaraha cusub ee Liverpool maamuli doona.
Alonso oo kooxdiisa Bayer Leverkusen ay toban dhibcood ku hoggaaminayso horyaalka Bundesliga iyo labada kooxood ee Liverpool iyo Leverkusen midkoodna kama hadal jiritaanka warkan, hase yeeshee Richard Keys oo ka hadlayay Sky Sports ayaa yidhi: “Xogta aan helayo waxa ay ii sheegaysaa in Alonso uu go’aansaday inuu tago Liverpool.”
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa waxa liiska tababareyaasha ay kala dooranaysay ka mid ahaa Ruben Amorim oo ah macallinka kooxda Sporting Lisbon, Roberto De Zerbi oo ah tababaraha Brighton & Hove Albion iyo macallinka xulka Germany ee Julian Nagelsmann.