Didier Deschamps ayaa si naxariis la’aan ah uga hadlay sababta uusan William Saliba ugu ciyaarin xulka France.
Saliba waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Mikel Arteta iyadoo Arsenal ay u tartameyso xilli ciyaareedkan ku guuleysiga horyaalka Premier League.
23-sano jirkaan ayaa wacdarro u dhigayay Arsenal tan iyo markii uu ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu amaah ku soo qaatay Marseille, halkaas oo iska horyimaadeen Kylian Mbappe.
Waxa uu ciyaaray 38 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan 28 kulan oo horyaalka ah.
Dhaawaca soo gaaray xilli ciyaareedkii hore ayaa sababay in Gunners ay ku fashilanto tartanka horyaalka, waxaana horyaalka ka qaaday Manchester City.
Inkastoo uu muhiim u yahay Arsenal, hadana tababaraha France Deschamps ma jecla Saliba.
Waxa uu xulka France u ciyaaray kaliya 12 jeer iyadoo lix ka mid ah uu ku soo bilowday.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ka hor kulanka saaxiibtinimo ee France ay la ciyaarayaan Chile, ayuu tababaruhu ku sheegay sababta uusan u ciyaarsiinin Saliba.
55-sano jirkaan ayaa sheegay in daafaca uu sameeyo waxyaabo uusan jeclayn islamarkaana uu aad u dhaliilay bandhigiisa kulamada caalamiga ah.
“Waxa uu ku jiraa xilli ciyaareed fiican, laakiin sidoo kale waxa uu sameeyaa waxyaabo aanan ka helin wax badan,” ayuu yidhi.
“Waqti xadidan ayuu xulka Faransiiska ku wajahayaa, lakiina marka uu ciyaaro xitaa uma ciyaaro si fiican, madaxda ma jecla isaga haatan laakiin halkaan ayuu joogaa.”
Deschamps ayaa intaa ku daray: “Dayot Upamecano waqti badan ayuu ciyaaraa, William isna waqti yar. Ciyaartoyda qaarkood, waxaan hubiyaa inay adkeysi yeeshaan sababtoo ah waxay noqon kartaa kalsooni ama xanibaadyo yar oo isbedeli kara. Qaarkood walwal ma qabaan, qaar waxay u baahan yihiin inay ciyaaraan. William wax badan ma ciyaaro sidaasi darteed ma ahan mid xasiloon.”