Bukayo Saka ayaa looga digay in isaga oo 24 jir ah laga saari doono kubada cagta sababo la xiriira qaladaadka loo geysanayo.
Saka oo ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee Mikel Arteta ee Arsenal ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu badan ee qaladaadka lagu galay Premier League.
Inkasta oo uu la kulmo taakalo naxariis darro ah hadana 22 jirkaan ayaa seegay kaliya hal kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.
Waxa uu ciyaaray 27 kulan oo horyaalka ah iyada oo Gunners ay tartan weyn ugu jirto hanashada horyaalka Premier League.
Laakiin halyeeyga Arsenal Bob Wilson ayaa ka walwalsan mustaqbalka xiddiga garabka ka ciyaara.
82-jirkan, oo 308-kulan u soo ciyaaray naadiga, ayaa rumeysan in Saka lagu qasbi karo inuu waqti hore ka fariisto ciyaaraha, haddii garsoorayaashu aysan qaban shaqowanaagsan oo ay isaga ilaalinin.
“Waxa igu kalifay waallida ayaa ah in aan haysano mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee da’da yar, haddii aanaan ka taxadarin, kubada cagta ayaa ka fariisan doonaa marka uu gaaro 24 ama 25 sababtoo ah Bukayo Saka qaladaad iyo taakalo ayaa ciyaarta looga saarayaa” ayuu yiri.
“Garsoorayaashu uma muuqdaan kuwa arkaya ama fahmaya.”
Wilson wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Mar walba waxaa jira ugu yaraan laba ciyaaryahan oo ama seddex raacanaya Saka. Haddii ay joojin waayaan way haraantinayaan.
“Dadku waxay igu yiraahdaan, ‘Maxaad ula jeedaa? Taasi waa ka badbadisa.’
“Waxaan leeyahay Bukayo Saka waa ciyaaryahanka ugu badan ee la laado Premier League.
“Marka uu weerar qaadayo waa waqtiga aan walwalo, runtii waan u walwalsanahay Bukayo.”