Manchester City ayaa diiwaangelisay dhaawacyo cusub oo kulamada caalamiga ah kasoo gaadhay ciyaartoydeeda, iyadoo ay kusoo fool leeyahay ciyaarta adag ee Arsenal ee maalinta Axadda.
Inkasta oo City ay haysato ciyaartooyo badan oo laacib kasta oo kooxda ah uu beddelkiisu joogo, haddana ciyaartoyda ka dhaawacantay ayaa ah kuwo muhiim ah oo kuwa boosaskooda gelaya aanay sidoodii oo kale u dheeli karaynin.
Ka hor intii aan loo bixin ciyaaraha caalamiga ah, Manchester City ayaa xaqiijisay dhaawaca khadkeeda dhexe ee Kevin de Bruyne oo laga reebay liiska xulka qaranka Belgium, sidoo kalena Jack Grealish ayaa la daalaa-dhacaya dhaawacyo kusoo noqnoqday.
Waxa kale oo Manchester City kulamadii ugu dambeeyey ka maqnaa goolhayaha reer Brazil ee Ederson oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Liverpool ay barbarraha 1-1 ah ku kala baxeen horraantii bishan.
Iyadoo ay saddexaad ciyaartoyba maqan yihiin ayaa waxa tababare Pep Guardiola uu indhihiisa ku daawaday difaaca midig ee reer England ee Kyle Walker oo dhaawac dhulka u fadhiistay isla markaana garoonka ka baxay daqiiqaddii 20aad ee ciyaartii Brazil.
Jamaahiirta Man City ayaa is-weydiinaya shaxda ay kooxdoodu kala hor tegi doono Arsenal oo ay Axadda toddobaadkan soo socda ay ballansan yihiin, waxaase ay ku qanacsan yihiin in goolhaye Stefan Ortega uu bandhig fiican samayn doono sidii kulankii Liverpool oo kale.
Manuel Akanji ayaa sidoo kale ka dheeli kara difaaca midig ee uu ka dhaawacmay Walker, balse wali kama aanay quusanin Man City inuu daafaca reer England seegayo kulanka Arsenal. Akanji oo u ogolaaday Stones inuu khadka dhexe kula midoobo Rodri, ayaa waxa haddii uu difaaca midig tago ay noqon doontaa in Stones uu difaaca dhexe kusoo laabto.
De Bruyne oo ay adag tahay in la beddelo, waxa Man City ay booskiisa u kala dooran doontaa Julian Alvarez ama Phil Foden, halka Mateo Kovacic uu yahay dookh suurtogal ah.
Booska garabka bidix ee uu ka dhaawacan yahay Jack Grealish, waxa muddooyin;kii dambe uu u xidhnaa Jeremy Doku, halka garabka midigna uu Guardiola u kala xulan doono Bernardo Silva iyo Phil Foden.
Waatan shaxda macquulka ah ee Man City kula ciyaari doonto Arsenal:
Man City XI; Ortega; Akanji, Stones, Dias, Ake; Rodri, Kovacic, Bernardo; Foden, Alvarez, Haaland.