Tababaraha xulka qaranak Norway ee Stale Solbakken ayaa xaqiijiyey in uu kusoo bilaabi doono labada ciyaartoy ee Martin Odegaard iyo Erling Haaland ciyaarta saaxiibtinimo ee Slovakia ee Salaasada, taas oo ay Arsenal iyo Man City dalbanayeen in labadan ciyaartoy aan la safin amaba ugu yaraan aan lagu soo bilaabin.
Stale Solbakken ayaa doonaya in xulkiisu uu dib ugu soo laabto dariiqa guusha kaddib guul-darradii 2-1 ahaa ee ay Jimcihii kala kulmeen Czech Republic, taas oo uu kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard uu fadhiiyey oo uu afartii daqiiqadood ee ugu dambeeyey soo geliyey.
Norwa ayaa martigelin doonta Slovakia oo magaalada Oslo ay ku wada ciyaari doonaan maalinta Salaasada, waxaana Stale Solbakken uu usii sheegay saxaafadda in ciyaartan ay kusoo bilaaban doonaan xiddigaha Arsenal iyo Man City iyo Odegaard iyo Haaland oo Axadda ay labadooda kooxood wada ciyaari doonaan.
Solbakken ayaa sidoo kale sheegay in uu ciyaartan kusoo bilaabi doono laacibka da’da yar ee Manchester City ee Oscar Bobb oo ka ciyaara garabka.