Xiddigii hore ee reer Brazil ee Dani Alves oo muddo ku xidhnaa waddanka Spain ayaa maanta kasoo baxaya jeelka, inkasta oo lagu riday xukun afar sannadood iyo badh ah.
Dani Alves ayaa dibedda usoo baxaya abbaaro 5pm waqtiga Spain ee galabta, waxaana uu xor u noqon doonaa inuu ku noolaado waddanka Spain oo aanu meelna uga bixi karin.
Alves oo la filayey in Arbacadii lasoo daayo ayaa uu dib u dhac ku yimid, sababtuna waxay ahayd in qoyska Neymar Jr ay kaga baxeen ballan ahayd in ay bixin doonaan lacag dhan 1 milyan oo Euro oo maxkamaddu ay ku xidhay in dammiin ahaan loogu sii daayo.
Jeelka Brians 2 Prison oo ku yaalla meel u dhow magaalada Barcelona ayuu Dani Alves kusii macasalaameeyey maxaabiista kale ee kula xidhan kaddib markii la shubay £850,000 Gini oo u dhiganta 1 milyan oo Euro oo ah lacagtii damaanadda.
Lama sheegin qofka bixiyey lacagtan ee sababta u noqday in Alves uu kasoo baxo jeelka, hase yeeshee waxa laacibkan oo lagu haystay kufsi uu kula kacay gabadh ay ku kulmeen magaalada Barcelona bishii December 2022 oo ahayd waxyar kaddib markii uu xulka Brazil ka hadhay Koobkii Adduunka ee Qatar uu jeelka ku jiray tan iyo horraantii sannadkii hore.
Alves oo magaalada Barcelona ku leh guri qiimihiisu yahay £4 milyan oo Gini oo duleedka magaalada ah gaar ahaan xaafadda Espluues de Llobregat oo 25 daqiiqadood uu baabuurku uga socdo Barcelona ayaa maanta halkaas gaadhi doona.
Laacibkan hore ee Barcelona, Juventus, PSG iyo Sevilla ayaa waxa uu hadda xidhnaa 14 bilood oo aanu hawada arag.