Joao Cancelo ayaa weeraray Pep Guardiola isagoo ku andacoonaya inuu been ka sheegay ka tagistiisii Manchester City.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa amaah ku jooga Barcelona ka dib markii uu qeybtii labaad ee sannadkii hore amaah ku qaatay Bayern Munich ka dib markii ay isku dhaceen tababaraha City.
Barca ayaa rajeyneysa inay heshiiska amaahda ka dhigto mid joogto ah xagaagan, iyadoo SunSport ay daaha ka qaaday in Arsenal ay sidoo kale diyaar u tahay inay lasoo wareegto daafaca garab.
Pep Guardiola ayaa aad uga carooday falcelinta Cancelo uu ka sameeyay markii kursiga keydka lagu ilaaway xilli ciyaareedkii ay seddexda koob isku qaaday Man City.
Labada nin ayaa isku dhacay markii uu Guardiola ka doortay Nathan Ake iyo Rico Lewis seddex kulan oo isku xigta.
Laakiin Cancelo ayaa haatan yiri: “Been ayuu sheegay. Waligay ma aan noqon saaxiib xun, waxaadna weydiin kartaa midkood Ake ama Rico.
“Ma lihi ciyaaryahan ka sarreeya ama ka hooseeya ciyaartoyda kale.
“Man City waa jisaar marka ay sidaas dhahayeen, sababtoo ah waxaan ahaa ciyaaryahan muhiim ah seddexdii sano ee aan joogay.
“Weligay kuma fashilmin shaqadeyda kooxda, wax walba oo awoodeyda ah waan u qabtay – waxaan xusuustaa waqti tuugo ay i dhacday oo ay i soo weerartay, maalintii xigtayna waxaan Emirates ku ciyaarayay kulankii Arsenal.
“Waxaa jira waxyaabo aadan ilaaweynin. Waxaan kaligood guriga uga soo tagay xaaskeyga iyo gabadheyda si aan u ciyaaro.
Dadku waxay xusuusan doonaan beentii laga iga sheegay sababtoo ah Guardiola wuu iga awood badan yahay marka uu wax sheego.
“Waxaanse ka doorbidayaa inaan runta sheego.”