Waxa uu qarsan kari waayey nacaybka uu u qabo ciyaartoyda madowga ah, waxaana uu soo bandhigay cunsuriyadda lafta kaga jirta iyadoo hadda lagu qasbayo inuu raalligelin buuxda ka bixiyo hadallada faquuqa ah ee uu ku duray shan ciyaartoy oo madoow ah oo uu ku jiro weeraryahanka Chelsea iyo xulka qaranka England ee Raheem Sterling.
Stuart Webber oo ahaa agaasimaha kubadda cagta kooxda Norwich City ayaa waraysi uu bixiyey uu hadal-hayn badan ka abuuray waddanka UK, gaar ahaan weerarro laf-jab ah oo uu ku qaaday ciyaartoyda midabkoodu madowga yahay.
Webber ayaa waxa uu sheegay in Raheem Sterling uu ku jiri lahaa jeel waqtigan, haddii aanu noqon lahayn ciyaartoy kubadda cagta ah, sidaas oo kalena waxa uu ku tilmaamay afar ciyaartoy oo kale.