Manchester City ayaa waxaa soo gaartay jug culus ka hor kulanka muhiimka ah ee Arsenal ee Premier League ka dib markii uu dhaawacmay kulanka saaxiibtinimo ee ay England la ciyaareyso Brazil.
Daafaca ayaa ahaa kabtanka xulka isagoo buuxinayay booskii uu ka dhaawacmay Harry Kane lakiin waxa uu garoonka ku jiray kaliya 19 daqiiqo.
Walker ayaa u muuqday mid isaga is dhaawacay ka dib markii uu kubad halis aheyd ka bixiyay xariiqda goolka markii Vinicius Jr uu kubada dabamariyay goolhaye Jordan Pickford.
Xiddiga Man City ayaa kubada si degan u soo qabtay ka hor inta uusan bixinin balse waxa uu madaxa kubada uga dhuftay Harry Maguire.
Daafaca midig ayaa ka dib garoonka dhex fariistay isagoo dhaawac ka sheeganayay, wuxuuna u baahday in dhakhaatiirta ay u yimaadaan.
Waxaa la arkayay isagoo ka sheegayanaya lugta midig, Walker ayaa ka dib tagay agagaarka kursiga keydka isagoo orod yar sameeyay si uu isku tijaabiyo.
Laakiin wax yar ka dib markii uu garoonka ku soo laabtay wuxuu dalbaday in la bedelo, wuxuuna heystay muruqa bowdada lugta midig.
Waxay tani niyadjab weyn ku tahay Man City iyadoo Walker uu kaliya seegay laba kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.
Man City waxay balansan yihiin Arsenal 31ka bishaan Maarso, Walker ayaana shaki uu ku jiraa inuu dheeli karo.
Labada xiddig ee City Kevin de Bruyne iyo Erling Haaland ayaa iyagana dhaawacyo looga reebay xulalkooda.
Halka Bukayo Saka uu ka soo laabtay England markii uu dhaawac ka sheegtay.