Dheemanka Manchester United ee Kobbie Mainoo ayaa daboolka ka qaaday magaca naanaysta ah ee ay ugu yeedhaan ciyaartoyda kooxdiisu marka ay ku jiraan qolka labbiska, waana magac uu ansixiyey walaalkii oo ka weyn.
Toddobaadkii hore ayaa Kobbie Mainoo loogu yeedhay xulka qaranka England ee caawa garoonka Wembley kula ciyaaraya waddanka Brazil, waxaana uu tababare Gareth Southgate ku qanciyey in uu kusoo daro xulka wacdarihii uu ka dhigay ciyaartii Liverpool ee FA Cup.
Laacibkan oo kooxda koowaad ee Manchester United kulankiisii koowaad u saftay bishii November ayaa wixii intaa ka dambeeyey helay boos joogto ah.
Mainoo oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu shaaciyey in ciyaartoyda kooxdiisa Manchester United ay ugu yeedhaan magac naanays ah oo uu ogolaaday walaalkii ka weyn oo lagu magacaabo Jordan Mainoo-Hames.
Kobbie Mainoo oo ka hadlayey naanaystiisa ayaa yidhi: “Walaalkay wuu ogaaday, sababtoo ah aad ayuu iigu dhow yahay. Waxa uu i weydiiyey haddii naanays la iigu yeedho, aniguna waxa aan u sheegay magaca la iigu yeedhi jiray oo ah ‘Love Island’.”
Markii aan weydiiyey walaalkay sida uu u arko, waxa uu iigu jawaabay: “Wax dhib ah ma laha, way kula kaftamayaan.”