Kooxaha horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Arsenal ayaa mid walba ay dhinaceeda u doonaysaa xiddig ka tirsan Real Madrid oo la sheegay in uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa Santiago Bernabeu, kaas oo ay suurtogal tahay inuu iskaga tago marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Real Madrid ayaa la filayaa inay isbeddello badan ku dhacaan iyadoo la sheegayo inay heshiis la gaadheen weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe, sidoo kalena uu bisha July soo gaadhi doono afka hore ee reer Brazil ee Endrick.
Difaaca ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Real Madrid saddexda ciyaartoy ee Leny Yoro, Alphonso Davies iyo Alexander-Arnold, waxaana haddii ay ciyaartoydani yimaaddaan albaabka ka bixi doona xiddigo waaweyn sida Ferland Mendy iyo Luka Modric.
Sida uu qoray wargeyska Defensa Central ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayay suurtogal tahay inay lumiso weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo Goes oo ay boos laaani ku dhici doonto haddii uu kooxda yimaaddo Kylian Mbappe.
23 jirkan oo sannadkii 2019 ay Real Madrid €45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda reer Brazil ee Santos ayaa waxa uu Los Blancos kula guuleystay sagaal koob oo ay ku jiraan laba horyaal oo LaLiga ah iyo Champions League.
Wargeyska Defensa Central waxa uu intaa ku daray, in Real Madrid ay ogolaan doonto inay iibiso Rodrygo oo qandaraas cusub oo ay dhowaan ka saxeexeen uu soconayo illaa sannadka 2028, laakiin waa haddii ay ku hesho lacag gaadhaysa €120 milyan oo Euro.
Arsenal ayaa waxa ay u aragtaa Rodrygo inuu yahay ciyaartoyga u beddeli karaya Gabriel Jesus amaba kula tartami karaya booska afka hore iyaga oo waliba ka siman qaab-ciyaareedka, hase yeeshee Manchester United ayaa iyaduna waxa ay doonaysaa inay ka garab ciyaarsiiso Rasmus Hojlund.