Aabaha dhalay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa iska diiday inuu bixiyo lacag dhan €1 milyan oo Euro oo la sheegay in wiilkiisu uu ku dammiintay Dani Alves oo shalay kasoo baxay jeelka laakiin laga doonayo in uu shubo lacag dhan €1 milyan oo Euro.
Neymar Jr oo ay Alves usoo wada ciyaareen Barcelona, PSG iyo xulka qaranka Brazil ayaa la sheegay inuu lacagtaas shubato, hase yeeshee aabbaha dhalay ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in isaga iyo qoyskiisa aanu midna bixin doonin lacagtaas.
Dani Alves oo ay arrintani ku noqonayso jug weyn oo dib ugu celinaysa jeelka afarta sannadood iyo badhka ah ee lagu xukumay laakiin loo ogolaaday damaanadda, ayaa waxa ay sidoo kale meesha ka saartay ballan-qaad uu hore ugu sameeyey Neymar oo ahaa inuu la garab istaagayo wax walba oo taageero dhaqaale ah.
Qoraalka uu soo saaray aabaha dhalay Neymar, ayaa waxa uu ku yidhi: “Annaga, qoyakayaga meel noogama bannaana arrintan, waanay nooga dhamaatay. Joogsi.”
Si kastaba ha ahaatee, Dani Alves ayaa xabsiga loo taxaabay January 2023, waxaana xukunkiisu uu soo baxay horraantii bishan isaga oo muddadaas ku jiray jeelka.
Wacnaan
Waaw