Xiddiga da’da yar ee Liverpool ee Conor Bradley ayaa magacaabay ciyaartoygii nafta u keenay ee uu ku rafaaday sidii uu joojin lahaa, inkasta oo uu xilli-ciyaareedkan usoo dallacay kooxda koowaad, ayaa waxa uu beddelay Trent Alexander-Arnold oo dhaawac ku maqnaa bilihii ugu dambeeyey.
13 ciyaarood ayuu ugu soo bilowday kooxdiisa Liverpool xilli-ciyaareedkan waxaana uu dhaliyey hal gool iyo saddex kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu ahaa geesigii keenay koornihii uu Van Dijk dhaliyey waqtigii dhamaadka ee ay Chelsea kaga qaadeen koobka Carabao Cup.
20 jirkan oo u warramay telefishanka Sky Sports ayaa la weydiiyey ciyaartoygii uu ku dhibaatooday joojintiisa intii uu kooxda koowaad ka tirsanaa, waxaanu ku jawaabay: “Waa Raheem Sterling. Waxa sidoo kale igu adkaa Willian markii aanu la ciyaarnay Fulham. Ciyaaraha caalamiga ahna, Kostas Tsimikas oo Greece ah ayaa habeenkii aanu la dheelnay igu adkaa.”
Waxa kale oo uu laacibkani ka hadlay talooyin uu ka helay Andy Robertson, waxaanu yidhi: “Andy aad ayuu iigu fiicnaa tan iyo markii aan kooxda koowaad ka mid noqday. Waa uu i caawiyaa si aan qunyar-qunyar hore ugu socdo, waxaana uu iga saacidaa sidii aanan cadaadis u dareemi lahayn ee aan deggenaan ugu dheeli lahaa.”