Maxkamadda sare ee waddanka Brazil ayaa ku xukuntay xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan ee Robinho in jeelka loo taxaabo muddo sagaal sannadood ah kaddib markii ay ku heshay in sannadkii 2013 uu gabadh ku kufsaday waddanka Talyaaniga.
Robinho ayaa ka mid ahaa lix nin oo makhaayad lagu caweeyo ku kufsaday gabadh bishii January ee sannadkii 2013 waqtigaas oo uu laacibkani u ciyaarayey AC Milan.
Dembigan ayaa waxa laacibkan lagu helay November 2017 balse rafcaanno dhawr ah oo uu ka qaatay ayaa uu ku fashilmay oo ugu dambayntii sababaya in jeelka uu ku caweeyo.
40 jirkan ayaa toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey ku sugnaa waddankiisa oo uu ka ciyaaray ka hor intii aanu ka fadhiisanin kubadda cagta, waxaana Brazil ay u noqotay gabbood uu kaga baxsado jeelka, inkasta oo waddanka Talyaanigu uu xukun ku riday.
Xeer ilaalinta waddanka Talyaaniga ayaa ka codsatay waddanka Brazil in uu usoo gacan-geliyo Robinho oo ay iyaguna sagaal sannadood ku xukumeen, laakiin maxkamadda sare ee Brazil sagaalka xaakim ee ay ka kooban tahay waxa ay cod isku raaceen in Robinho jeelka loo taxaabo laakiin muddada sagaalka sannadood ahba uu ku qaato waddankiisa.
Robinho oo ka mid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan ee Brazil ay heshay 25kii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa uu xulka qarankiisa u saftay 100 ciyaarood oo uu u dhaliyey 28 gool, halka kooxda Real Madrid uu la qaaday horyaalka LaLiga, sidoo kalena uu dalkiisa kula guuleystay Copa America.
Robinho oo ku nool magaalada Santos oo waxyar u jirta Sao Paulo, ayaa bishii March laga qaaday baasaboorkiisa oo ay booliska Brazil ka xareeyeen si aanu dalka uga bixin.
Si kastaba ha ahaatee, xukunka Robinho ayaa waxa uu yimid iyadoo shalay damaanad lagu sii daayey Dani Alves oo isagana lagu xukumay afar sannadood iyo badh xadhig ah kaddib markii lagu helay inuu gabadh ku kufsaday magaalada Barcelona.
Waxa Dani Alves la baxsaday Neymar Jr oo uu aabbihii bixiyey lacag dhan 1 milyan oo Euro oo lagu dammiintay.