Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa loo sheegay in laga caydhin doonto oo laga saari doonto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League haddii lagu helo inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha kubadda cagta, iyadoo baadhitaanno culus ay ku socdaan labada kooxoodba.
Premier League ayaa hore u shaaciyey, in Manchester City ay jabisay sharciga dhaqaalaha in ka badan 115 jeer oo ay siday doonto u dhaqantay, waxaana loo magacaabay guddi madax-bannaan oo baadhitaan ku sameeya City.
Richard Masters oo ah madaxa horyaalka Premier League ayaa hore u sheegay in la go’aamiyey waqtiga la dhegaysanayo kiiska Man City oo marka ay guddidu baadhitaankooda soo jeediyaan ay iyaguna ku dhawaaqi doonaan go’aanka ay ka qaadanayaan City.
Chelsea oo kaalinta 11aad kaga jirta horyaalka Premier League, ayaa waxa iyadana lagu haystaa inay jabisay sharciga dhaqaalaha waqtigii uu mulkiilaha ka ahaa Roman Abramovich, waxaana la arkay macluumaadka lacago la siiyey wakiillo oo aan ka dhax-muuqanin xisaabaadka kooxda.
Todd Boehly ayaa la sheegay inuu diyaariyey qareenno difaaca kooxdiisa, waxaana suurtogal ah in kharashku ku tago illaa £150 milyan oo Gini.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, labada kooxood ee Manchester City iyo Chelsea waxa lagu wargeliyey in ay suurtogal tahay in laga caydhiyo oo laga saaro horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League haddii lagu helo dembiyada loo haysto.
Hore waxa dhibco looga jaray kooxaha horyaalka Premier League ee Nottingham Forest iyo Everton oo sharciga dhaqaalaha jabiyey, halka dembiyada loo haysto Man City iyo Chelsea ay kasii culus yihiin kuwa labada kooxood ee hore loo ganaaxay.