Maxkamadda Barcelona ayaa maanta xabsiga kasii daysay xiddigii hore ee Barcelona, Juventus, PSG iyo Sevilla ee Dani Alves oo afar toddobaad ka hor lagu xukumay afar sannadood iyo badh xadhiga ah, kaddib markii lagu helay in uu xoogay oo uu kufsaday gabadh ay ku kulmeen magaalada Barcelona.
Dani Alves ayaa rafcaan ka qaatay xukunka lagu riday, waxaana ka aqbashay maxkamadda Barcelona oo u raacisay inay markiisii koowaad u celiso xorriyadiisa isaga oo hawada arki doona sannad iyo dheeraad uu jeelka ku jiray kaddib.
Alves oo maxkamadda horteeda ka qirtay inuu u galmooday gabadha dacwadda kusoo oogtay ayaa markii hore dafiray, waxaanay taasi keentay inuu burburo qoyskiisu iyadoo xaaskiisii ay markiiba ku dhawaaqday inay iska furtay, waxaase xabsiga kusoo booqatay gabadh hore oo uu qabay oo carruur u dhashay.
Sida ay baahiyeen warbaahinta waddanka Spain, maxkamadda Barcelona ayaa waxa ay kusii deysay Dani Alves damaanad lacag ah oo dhan 1 milyan oo Euro iyo labadiisii baasaboor ee Brazil iyo Spain oo iyagana laga qaaday.
Maxkamadda ayaa amartay in aanu Dani Alves dibedda uga bixi karaynin waddanka Spain oo aanu dib ugu noqon karaynin inta uu kiisku socdo dalkiisa Brazil.
Qareenka Alves oo lagu magacaabo Ines Guardiola ayaa maanta kasoo hormuuqday maxkamadda oo siisay ogolaanshaha rafcaanka.