Agaasimaha isboortiga Arsenal Edu ayaa lagu waramayaa inuu hishiis kala gaaray daafaca aan la safin Cedric inuu kooxda isaga tago dhamaadka xilli ciyaareedkan. Shan xiddig kale oo Gunners ah ayaa iyagana loo sheegay inay isaga hayaamaan Emirates Stadium madaama aysan fursad ka heleynin tababare Mikel Arteta.
Cedric ayaa saftay kaliya 64 kulan tartamada oo dhan afar xilli ciyaareed iyo bar uu joogay kooxda isagoo u saxiixay Arsenal 2019kii markii uu ka soo wareegay Southampton.
Mohamed Elneny ayaa isna sidaas oo kale wajahaya oo kooxda ay iska fasaxeysaa marka uu qandaraaskiisa dhaco isbuucyo yar ka dib.
Sida Cedric oo kale xiddiga reer Masar wuxuu ku soo bilowday hal kulan xilli ciyaareedkan oo dhan, fursadna uma heysto in qandaraaska loo kordhiyo. Elneny waa xiddiga ugu mudada dheer Arsenal waqtigaas isagoo kooxda ku biiray 2016kii laakiin xilli ciyaareedkan ayaa ah midkiisii ugu danbeysay ee kooxda.
Iyadoo Declan Rice, Jorginho iyo Martin Odegaard ay xureysteen seddexda khadka dhexe ee Arsenal, Thomas Partey ayaa isna la filayaa inuu galay bilihii ugu danbeeyay waa yihiisa Arsenal.
30 jirkaan ayaan wax badan u dheeli Arsenal xilli ciyaareedkan inkastoo uu ka qaato mushahar gaaraya 200 kun ginni todobaadkii.
Iyadoo David Raya uu noqday goolhayaha koowaad ee Arsenal, Aaron Ramsdale ayaa lagu wargeliyay inuu koox kale raadsado si uu u helo kubad joogta ah xilli ciyaareedka danbe.
Waxaa iyagana kooxda laga dirayaa daafacyada garbaha ee Keiran Tierney iyo Nuno Tavares oo haatan amaahyo ku maqan madaama Arteta uu heysto xiddigo ku filan oo daafaca garbaha ka dheeli kara sida Ben White, Takehiro Tomiyasu, Jurrien Timber, Jakub Kiwior iyo Oleksandr Zinchenko.
Tierney wuxuu xilli ciyaareedkan amaah ku joogaa Real Sociedad wuxuuna sheegay inuu jecel yahay inuu sii joogo. Tavares wuxuu galay sannadkii ugu danbeysay ee qandaraaskiisa isagoo haatan amaah ku jooga Nottingham Forest.