Dhakhaatiirta Real Madrid ayaa diyaarsanaya mindiyaha qalliin jilibka ah oo waqti qaadan doona, waxaana si dhab ah usoo afjarmaya rajadiisii xilli-ciyaareedkan.
Garoonka tababarka Real Madrid ee Valdebebas ayaa isku beddelay meel ay murugo hadhaysan markii uu goolhayaha reer Belgium ee Thibaut Courtois uu dhulka fadhiistay isaga oo ooyaya oo is-haya jilibka lugta midig.
Courtois oo kasoo kabanayey dhaawac uu u jiifay lix toddoba bilood oo kasoo gaadhay jilibka lugta bidix, ayaa waxa isaga oo tababarka kusoo laabtay oo filaya inuu diyaar u noqon doono kulamada kooxdiisa marka laga soo noqdo ciyaaraha caalamiga ah, uu haddana la kulmay niyad-jab kale.
Real Madrid ayaa shaacisay in Thibaut Courtois uu ka dhaawacmay jilibka lugtii u fayoobayd ee midig, laakiin wargeyska Marca ayaa sheegay in lagu samayn doono qalliin oo ay u dhamaatay xilli-ciyaareedkiisa, isla markaana haddii uu nasiib leeyahay uu kasoo gaadhi karayo xilli-ciyaareedka dambe inta aanu bilaabmin.
Arrintan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay kusii tiirsanaan doonto goolhaye Lunin oo ay ku qasbanaan doonaan inay ku dedaalaan sidii ay ugu qancin lahaayeen inuu u saxeexo heshiis cusub oo kooxda kusii haya maadaama uu dhow yahay waqtiga dhamaadka qandaraaskiisu.