Kooxdii shalay afarta dhibcood laga jaray ee Nottingham Forest ayaa lagu ridayaa ciqaab kale oo sababi doonta in mar kale dhibco laga jaro, haddii ay iibin weydo ciyaartoydii tirada badnaa ee ay la saxeexatay labadii sannadood ee ugu dambeeyey.
Forest ayaa Isniintii shalay lagu wargeliyey in afar dhibcood laga jaray, isla markaana ay u dhacday khadka cas ee horyaalka Premier League kaddib markii ay baadhitaannadeeda soo dhamaystireen guddi madax-bannaan oo uu horyaalka Premier League u saaray.
Guddida madaxa-bannaan ayaa waxa ay sheegtay, in Nottingham Forest ay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey diiwaangelisay khasaare gaadhaya £95,536,000 Gini, iyadoo sharcigu dhigayay in aanu khasaaraheedu ka badanin £61 milyan oo Gini maadaama ay heerka labaad ka timid, taas oo ka dhigan in ay xadkii loo jeexay ay dhaaftay £34.5 milyan oo Gini.
Marka la gaadho bisha June, Nottingham Forest ayaa waxa lagu ridi doonaa ciqaab kale oo ah in dhibco laga jari doono haddii ay xaraashi weydo ciyaartoydeeeda.
Waxa laga doonayaa in ay soo kabto lacagta dheeraadka ah ee ay khasaarahooda ku shaaciyeen oo ah ku dhowaad £30 milyan oo Gini.