Joshua Kimmich ayaa lagu waramayaa inuu ka fiirsanayo inuu u wareego Arsenal sida ay sheegtay Sky Sports Germany.
Mustaqbalka xiddiga Jarmalka ee Bayern Munich ayaa shaki la gelinayay bilihii ugu danbeeyay.
Bayern ayaa isku dayday inay xiddiga khadka dhexe ee boosaska badan ka dheeli kara ka iibiso Newcastle taasoo qeyb ka aheyd hishiis ay ku doonayeen daafaca Keiran Trippier.
Waxayna weli doonayaan inay iibiyaan Kimmich xagaagan iyagoo ka cararaya inuu si xor ah uga tago sannadka danbe marka qandaraaskiisa uu dhacayo.
Arsenal ayaa ka mid ah shan kooxood oo u dagaalamaya saxiixa Kimmich kaasoo la sheegay inuu tixgelinayo inuu u wareego Emirates Stadium.
Waxaa sidaasi sheegtay Sky Sports Germany kaasoo shaaciyay in Kimmich uu diyaar u yahay inuu ka tago Bayern Munich islamarkaana uu la hadlo kooxaha daneynaya.
Kimmich ayaa la sheegay inay isku dhaceen caawiyaha tababare Thomas Tuchel oo lagu magacaabo Zsolt Low ka dib guuldaradii ka soo gaartay kooxda horyaalka hogaamineysa ee Bayer Leverkusen bishii la soo dhaafay.
Jariirada Bild ayaa qortay in Kimmich laga qabqabtay tababare ku xigeenka ka dib markii Low uu ku qeyliyay.