Ciyaartii Manchester United iyo Liverpool ee wareegga siddeedda FA Cup ee Axaddii ayaa loo diiwaangeliyey rikoodh cusub oo dhinaca daawashada ah, kaddib markii uu telefishanka ITV soo bandhigay tirada dadkii fiirsaday kulankaas.
Manchester United ayaa awood u yeelatay inay guul 4-3 ah ka gaadho Liverpool oo ay usoo gudubto wareegga semi-finalka oo ay la ciyaari doonto Coventry City.
Telefishanka ITV oo baahiyey ciyaartan, ayaa waxa uu shaaciyey, in ciyaartii Manchester United iyo Liverpool ay daawadeen dad tiradoodu gaadhaysay 8.4 milyan oo qof, taas oo kadhigtay ciyaartii loogu daawashada badnaa tartanka FA Cup xilli-ciyaareedkan.
Rikoodhkan ayaa waxa hore u haysatay ciyaartii Liverpool ay 2-0 ku garaacday Arsenal ee isla tartankan FA Cup, taas oo telefishanka BBC One ay ka daawadeen 7.6 milyan oo qof.
Waxa kale oo ciyaarta Manchester United iyo Liverpool ee Axaddii ay noqotay kulankii ugu shacbiyadda badnaa tan iyo wareeggii siddeedda FA Cup ee sannadkii 2018.
Falanqeeyaha ciyaaraha ee Mark Pougatch oo ka tirsan ITV, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X, waxa uu ku sheegay in dad tiradoodu gaadhayso 8.4 milyan oo qof ay daawadeen ciyaartii shalay oo soo afjartay rajadii Liverpool ee ahayd in ay ku tartamaan afar koob xilli-ciyaareedkan.