Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay ciyaarta ay ku xidhan tahay go’aanka cidda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, taas oo naadigiisu uu halgan adag u geli doono.
Manchester City ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa hal dhibic ka dambaysa Arsenal iyo Liverpool oo figta sare isku haysta, iyadoo toban ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Pep Guardiola ayaa waxa ay kooxdiisu 31ka bishan May la ciyaari doontaa Arsenal oo ay kusoo dhoweyn doonto garoonka Etihad Stadium, waxaana natiijada ciyaartan ay isbeddel ku keeni kartaa sida uu hadda u yaallo miiska kala-sarraynta Premier League, iyadoo Liverpool ku ducaysanaysa inay isla kufaan.
Arsenal waxa ay haysataa 64 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Liverpool oo farqiga goolasha ka dambaysa, halka Man City ay haysato 63 dhibcood.
Man City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League shan ka mid ah lixdii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa ay doonayaan in ay markii lixaad qaataan, balse Guardiola ayaa rumaysan in wax walba kaga xidhan yihiin ciyaarta Arsenal.
Tababare Guardiola oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi: “Ciyaarta Arsenal waa final oo kale. Hadda waxa aanu gelaynaa nasasho, mana doonayo in aanu ka fikirno mustaqbalka sababtoo ah waxa lagu jiraa waqti cidhiidhi ah.
“Ciyaartoydu waxa ay u baxayaan kulamada caalamiga ah, waa fursad ay cimilada ku beddelan karaan, qaarkoodna waxa ay heli doonaan fursad ay qoysaskooda ku arkaan.
“Marka aanu soo laabanno, waxa aanu helaynaa saddex maalmood oo aanu iskugu diyaarino ciyaarta Arsenal, waxaanay go’aamin doontaa horyaalka.”