Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa usoo baxday semi-finalka tartanka FA Cup, kaddib markii ay Old Trafford ku garaaceen Liverpool kulan la iska dhaliyey toddoba gool oo soo afjaray rajadii Jurgen Klopp ee ahayd inuu ku wada guuleysto afar koob.
Manchester United ayaa guul ay u qalmaysay gaadhay marka loo eego tamarta iyo dhiirranaanta ay muujisay waqtigii dheraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta oo 90kii daqiiqaddood ay barbarro kusoo dhamaadeen, waxaana la baxsaday oo tamarta siiyey Red Devils xiddigaha beddelka ku yimid ee Antony iyo Amad Diallo oo min hal gool dhaliyey waqti ay ciyaartu sii dhamaanayso.
Scott McTominay ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 10aad ee ciyaarta, markaas oo kubbad ay difaaca Liverpool iska saari kari waayeen ay uu ku hubsaday shabaqa.
Laakiin Liverpool ayaa soo laabatay oo dhamaadka qaybta hore oo ay hal daqiiqao ka hadhsan tahay iyo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore laba gool oo ay laba daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen israaciyey, waxaana u kala dhaliyey Alexis Mac Allister iyo Mohamed Salah.
Labada kooxood ayaa fursado badan helay qaybta labaad, waxaase niyadda gashatay inay guuleysatay Liverpool oo is-dhigatay, waxaanay taasi keentay in dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan yihiin uu goolka barbarraha ka dhaliyo Antony oo beddel kusoo galay.
30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa ayaa lagu daray ciyaarta, waxaana gool la hormartay Liverpool oo daqiiqaddii 105aad uu gool qurux badan u dhaliyey Harvey Elliott.
Ciyaarta ayaa waxa ay markaas kaddib gacanta u gashay Manchester United, halka ciyaartoyda Liverpool ay daaleen oo tamartoodu ku dhamaatay waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta.
Marcus Rashford ayaa ciyaarta ka dhigay 3-3 daqiiqaddii 112aad, markaas oo uu laynka xerada ganaaxa ka helay kubbad uu u dhiibay McTominay oo darbad dhulka socota uu dhinaca midig ka dhigay Kelleher oo arkay iyadoo kubaddu u weydaaratay shabaqiisa.
Markii ay dhamaadeen 120ka daqiiqadood ee ciyaartu, ayaa waxa uu garsooruhu ku daray laba daqiiqadood oo kale oo dheeraad ah oo waqtigii lumay ah, waxaana kubbad ay ciyaartoyda Man United kasoo qaateen khadka dhexe uu Alejandro Garnacho oo soo jiiday uu u dhiibay Amad Diallo oo isaguna darbad qabow oo dhulka socota ka hoos bixiyey goolhaye Kelleher.
Dabbaal-deggii ay gashay Manchester United, waxa ka dambaysay ilbidhiqsiyo kooban oo ay ciyaartu sii socotay, waxaana ay guushu 4-3 ku raacday Manchester United oo usoo gudubtay wareegga semi-finalka FA Cup.