Jurgen Klopp iyo Erik ten Hag ayaa soo qaddimay xiddigahooda waaweyn ee taamka u ah kulanka weyn ee ay ku xidhan tahay rajadooda tartanka FA Cup oo midkood ay u gudbi doonto wareegga laba-dhamaadka ama semifinalka.
Manchester United oo garoonkeeda joogta ayaa waxa dib ugu soo laabtay Rasmus Hojlund oo kasoo noqday dhaawac uu u jiifay saddex ciyaarood, waxaana uu hoggaaminayaa afka hore ee weerarka. Waxa kale oo soo noqday balse kaydka fadhiya Mason Mount iyo Harry Maguire.
Liverpool waxa dhinaceeda ugu soo bilowday xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah iyo Andy Robertson oo kusoo laabtay booskiisa difaaca bidix, iyadoo Darwin Nunez iyo Luis Diaz ay sidoo kale boosaskooda xajisteen.
Khadka dhexe ayay Liverpool uga ciyaarayaan Mac Allister, Dominik Szoboszlai iyo Wataru Endo, halka difaaca dhexena ay wada taagan yihiin Virgil van Dijk iyo Jarrell Quansah oo dhinaca midig uu kasii xigo Joe Gomez oo beddelay Conor Bradley.
Man United ayaa waxa weerarkeeda ka wada dheelaya Alejandro Garnacho, Marcus Rashford iyo Rasmus Hojlund, halka khadka dhexena ay Bruno Fernandes ku wehelinayaayn Kobbie Mainoo iyo Scott McTominay.
Difaaca dhexe waxa ka wada ciyaaraya Raphael Varane iyo Victor Lindelof, halka difaaca midig uu dib ugu soo laabtay Aaron Wan-Bissaka oo difaaca bidix u riixay Diogo Dalot.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester United XI: Onana, Wan-Bissaka, Dalot, Varane, Lindelof, Mainoo, McTominay, Garnacho, Fernandes, Rashford, Hojlund.
Kaydka: Heaton, Kambwala, Maguire, Amad, Amrabat, Eriksen, Forson, Mount, Antony.
Liverpool XI: Kelleher, Gomez, Quansah, Van Dijk, Robertson, Endo, Szoboszlai, Mac Allister, Salah, Diaz, Nunez.
Kaydka: Adrian, Gakpo, Elliott, Tsimikas, Clark, McConnell, Gravenberch, Danns, Bradley.