Ciyaartoyda Liverpool ayaa doonaya in Pep Lijnders inuu bedelo Jurgen Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay wararku sheegayaan.
Jurgen Klopp ayaa ka tagaya dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxda Liverpool iyadoo kooxda ay weli ugaarsi ugu jirto koobabka Premier League, Europa League iyo FA Cup, iyagoo durba ku guuleystay Carabao Cup.
Klopp ayaa tababare ka ahaa Anfield muddo sagaal sannadood ah, laakiin caawiyihiisa Pep Ljinders ayaa kooxda joogay muddo intaas ka sii dheer.
Sida ay sheegeen khabiirada idaacada talkSPORT Alan Brazil iyo Saunders, ciyaartoyda ayaa jeclaan lahaa inay arkaan in Lijnders kooxda loo dhiibo.
Alan Brazil ayaa yiri: “Waxaa la ii sheegay in ciyaartoyda ay jeclaan lahaayeen in kooxda uu tababare ka noqdo caawiyaha Klopp, Pep inuu kooxda qabto ayay rabaan.”
Saunders ayaa isna raaciyay: “Aniguba sidaas ayaan maqlay. Ugu yaraan Lijnders wuu garanayaa waxa kooxda ka socda.
“Waa shaqo adag, yaad u dhiibi laheyd shaqadaas? Kooxdaas waa koox sidaas u weyn.”
Lijnders ayaa markii ugu horeysay Liverpool ku biiray 2014kii isagoo la shaqeeyay Brendan Rodgers ka hor inta uusan ka mid noqonin shaqaalaha tababarka Jurgen Klopp.
Waxa uu la joogay seddex xilli ciyaareed ka hor inta uusan isku dayin inuu tababare noqdo isagoo loo dhiibay kooxda NEC ee dalkiisa Holland.
Laakiin sannad ka dib ayuu kooxda ku soo laabtay isagoo mar kale ka mid noqday shaqaalaha Klopp.
Tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaase weli ah midka ugu cadcad inuu bedelo Jurgen Klopp xilli ciyaareedka soo socda.