Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa jabiyey rikoodh muddo 60 sannadood ah u yaallay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, kaddib markii uu shabaqa soo taabtay ciyaartii ay kooxdiisu guusha 5-2 ah kaga soo gaadhay Darmstadt 98 oo ay marti uahaayeen.
Kane ayaa dhaliyey goolkiisii 31aad ee horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga ee xilli-ciyaareedkan, iyadoo usbuuc ka horna uu dhamaystiray saddexlaydiisii afraad ee xilli-ciyaareedkan oo ka dhigtay ciyaartoygii ugu horreeyey ee taariikhda Bundesliga afar jeer dhaliya min saddex gool.
Goolkii uu Sabtidii ka dhaliyey SV Darmstadt, waxa uu Harry Kane ku noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee 31 gool ka dhaliya taariikhda Bundesliga xilli-ciyaareedkiisa koowaad, waxaana sidaas hore u sameeyey Uwe Seelr oo 60 sannadood ka hor dhaliyey 31 gool xilli-ciyaareedkiisii koowaad.
Harry Kane waxa uu hadda hiigsanayaa inuu jabiyo rikoodhkii Robert Lewandowski ee ciyaartoyga goolasha ugu badan ka dhaliya horyaalka Bundesliga hal xilli-ciyaareed gudihii, waxaana Lewandowski oouu rikoodhkaasi u xidhan yahay uu taariikhda ugu jiraa 41 gool, iyadoo Harry Kane uu u baahan yahay 10 gool si uu u gaadho.
Si kastaba ha ahaatee, Bayern Munich oo doonaysa inay sannadkii 12aad oo xidhiidh ah ku guuleysato horyaalka Bundesliga ayaa u muuqata in aanay u suurtogeli doonin sababtoo ah waxa la celin la’yahay Bayer Leverkusen oo xilli-ciyaareedka oo dhan aan xataa hal mar laga badinin dhamaan tartamada.
Leverkusen oo hadda toddoba dhibcood ka horreysa Bayern Munich ayaa haddii ay galabta ka badiso Freiburg, waxa ay dib usoo ceshan doontaa farqi toban dhibcood ah.