Afar ciyaartoy oo muhiim ah ayaa usoo laabtay kooxda kubadda cagta Manchester United ka hor kulanka Liverpool ee Axadda ka dhici doona garoonka Old Trafford, halkaas oo ay ku dagaallami doonaan midkooda usoo gudbaysa wareegga semi-finalka tartanka FA Cup.
Manchester United ayaa garoonkeeda ku qaabbili doonta kooxda uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo ee Liverpool, waxaana tababare Erik ten Hag iyo xiddigihiisu ay halgan adag u mari doonaan sidii ay boos ugu yeelan lahaayeen garoonka Wembley oo badhtamaha bisha dambe ee April lagu ciyaari doono semi-finalka.
Garoonka tababarka Manchester United ayaa waxa dib ugu soo laabtay oo dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey ciyaartoyda kale tababarka la qaadanayay afar ciyaartoy oo muhiim ah oo sare usoo qaadanaya niyadda Man United, isla markaana ay ku helayaan fursad ay iskaga celiyaan Liveprool.
Ten Hag ayaa waxa uu xaqiijiyey, in weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund, difaacyahannada reer England ee Harry Maguire iyo Aaron Wan-Bissaka iyo waliba khadka dhexe ee Ingiriiska ee Mason Mount ay intuba kasoo kabteen dhaawacyadii ay ku maqnaayeen oo ay taam u yihiin kulanka Liverpool.
“Waxa aanu sooq aadanay toddobaad wanaagsan. Ciyaartoyda aad xustay ee Hojlund, Maguire, iyo Wan-Bissaka way kusoo laabteen garoonka horraantii toddobaadka, maantana waxa aanu lahayn tababar kale oo dhamaantood ay qaateen.” Ayuu yidhi Erik ten Hag.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxay ila tahay inay berri taam u noqon doonaan, waynu eegi doonaa soo kabashadooda, laakiin waxay u muuqdaan inay fiican yihiin.
“Tom Heaton ayaa sidoo kale soo laabtay, waxaana xaalad aad u fiican ku jira Mason Mount oo toddobaadka oo dhan tababarka nala qaadanayey, waxay ahayd usbuuciisii ugu horreeyey laakiin waxa uu qaatay tababar buuxa, waxaanu u muuqdaa inuu wanaagsan yahay.”
Inkasta oo ciyaartoydani ay soo laabteen, haddana Manchester United ayaa waxa ka maqan difaaca reer England ee Jonny Evans oo uu dhaawac soo gaadhay, goolhayaha labaad ee Altay Bayindir oo dhaawac fudud u jiifay muddooyinkii dambe, Lisandro Martinez, Luka Shaw, Tyrell Malacia iyo Anthony Martial.