Caawiyayaasha Erik ten Hag ee Manchester United Mitchell van de Gaag iyo Steve McClaren ayaa halis ugu jira inay shaqadooda waayaan xagaagan.
Milkiilaha saamiga yar Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya inuu isbedelo weyn ku sameeyo Old Trafford, waxaana taasi ka marneyn shaqaalaha tababarka.
Ten Hag, Van der Gaag iyo McClaren waxay dhamaantood saxiixeen qandaraas seddex sannadood ah sannadii 2022kii. Si kastaba, natiijooyinka oo niyadjab ah xilli ciyaareedkan, Sir Jim Ratcliffe ayaa go’aansan kara inuu ceyriyo seddexda nin.
Wararka ayaa sheegaya in Ten Hag uu ku qasban yahay inuu kooxda u soo saaro Champions League ama koob uu ku guuleysto xilli ciyaareedkan si uu u badbaadsado shaqadiisa. Tababaraha reer Holland waxaa caawin kara haddii Premier League ay helaan boos shanaad oo Champions League ah, iyadoo United ay kaalinta lixaad ku jirto.
Laakiin xitaa haddii Ten Hag uu sii joogo Old Trafford wixii ka danbeeya xilli ciyaareedkan, waxaa la sheegayaa in caawiyayaashiisa ay wajahayaan in la ceyriyo.
Sida ay sheegtay Daily Mail, caawiyayaaasha Van de Gaag iyo McClaren waxay halis ugu jiraan inay shaqadooda waayaan inkastoo qandaraaskooda uu hal sanno uga harsan yahay.
Van der Gaag waxa uu Ten Hag kula soo shaqeeyay kooxda Ajax. Tababarihii hore ee xulka England McClaren waxa uu ku soo laabtay Old Trafford, isagoo caawiye u ahaa Sir Alex Ferguson intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2001.